contact us
sign up for our newsletter
become a member
RSS feed
board login
about us
news
events
projects
policy work
publications
links
Home
Français
Why Positive Discipline Works (Somali)
Embedded Scribd iPaper - Requires Javascript and Flash Player
Enable JavaScript in your browser to view this document as it was initially formatted.
ashruucan waxaa maalgeliyey Dowladda Kanada Barnaamijkeeda Iskashitooyinka Horrumarinta Bulshada. Fekradaha iyo micnaynta daabacaaddan waa kuwa qoraaga oo ma ahan mid ka tarjumeysa kuwa Dowladda Kanada. Warqaddan yar waxa uu ku siin doonaa fekrado ah sida: Loo Noqdo Waalidka Ugu Wanaagsan ee aad noqon karto Aad u mareyn la hayd dabeecada canugaaga si mid iijaabo oo dariiq caafimaad ku jirto. Aad u fahmi la hayd canugaaga Isticmaal 3 da R: Texgelin (Respect), Mas’uuliyad (Responsibility) iyo Jawaab-celin (Response) sida tilmaame waalid. Fahanka sababta edbin aan rabshad la socon u leedahay natiijo iijaabo oo muddo dheer ah.
1
Kalmada anshax-barida mico kala duwan ayay dad kale duwan uleedahay. Waxaan isticmaalaynaa kalmada anshaxbaris micnahana uwadano korista caruurto hab aanan rabsho ku jirin. Rabsho la’aan micnaheedu waxay tahay jug la’aan, tumis la’aan, xoog isticmaal la’aan, magac aanan la’iskugu yeereyn, hoos aanan la’isku dhigeyn, hanjibaada ama qaylo la’aan. Anshax-barista micnaheedu waxay tahay xeer dejinta, dhegeysiga, xallinta dhibaatooyinka iyo tusaale wanaagsan u noqoshada. Waalidiin wax jecel ahaan waxaan dooneynaa waxa uwaangsan caruurteena, si ayagoo faraxsan u koraan, si wanaagsan u dhegeystaan, dadka kale si wanaagsan ula macaamilaan, boon-balada wadaagaaan oo aysan qaylin oo ay ku qaylin. Si aan uhubino in caruurteena ay ku koraan dabci-wanaagsan micnaheedu ma ahan in aan u baahan nahay in aan xoog isticmaalno. Tusida, sharaxaada iyo dhiiri-gelinta dabeecaddaha qaar ayaa ah hababka qaar ee aay ku hubin karno in caruurteena ku koraan kuwa farxsan oo waxsoo saar leh. Hababyadan ma ahan kuwo ku lug leh tumista, qaylada ama magac ugu yeerista.
2
CWLC waxay aaminsan tahay in sida ugu wanaagsan ee caruurta lagu koriyo ay tahay hab rabsho la’aan. Cilmi baarista waxay noo muujineysaa in muquujiska, sida garaacidda, tumida iyo foorjada, inkastoo sida u muuqato tahay mid markaa saameyn geysata, aysan shaqeyneyn oo ay waxyeello ku yeelan karto. Caruurtu waxay hab-dhaqanka haboon ka bartaan ayaga oo fiiriya oo ka tusaale qaadanaya waalidiinta, macalimiinta iyo dadka kale wa weyn oo muhiimka ah. Haddii caruurta jug la siiyo ama la garaaco markaa ayaguna waxay baranayaan in ay waxba dhibayn oo sidaa mid la mid ah ayay sameeyaan. Sidoo kale waxay bartaan in xooggu yahay sida looga jawaabo xanaaqa ama wareerka.
Dadka qaar waxay ka wel welaan haddii aysan tumin, markaa in caruurtooda ay dagaal gali doonaan ama in aysan anshax la barin. Dhab ahaantii, caruurta haddii badanaaba la tumo, waxay u badan tahay in ay rabsho galaan.
Sida waalid ahaan anaga ayay mas’uuliyadeenu tahay in aan caruurteena barno habka rabsho la’aan ee lagu xalliyo xaaladaha adag. Jawaab-celinta duwan – ee hab xoog la’aan ah – goorta aan xanaaqsan nahay ama wareersan nahay waxay caruurteenu tusisaa in xanoodu iyo wareerkooda ku xalin karaa hab rabsho la’aan ah. Waxay bartaan sida hab-dhaqanka haboon.
3
Goorta aad ka fekireyso waxa ku saabsan howshaada sida waalid ahaan su’aalaha qaar ee ugu muhiimsan ee la is weydiiyo waa: Waa maxay nooca waalid ee aan doonaayo in aan noqodo? Sidee baan doonayaa in caruurteyada ii xasuustaan marka ay korayaan? Mar marka qaarkood waxaan si culus uga jawaab celinaa dhacdooyinka maalin kasta. Daqiiqo qaado oo naftaada weydii, tani sano gudahood ma ahaan dooneysaa wax muhiim ah? Sidoo kale waxaa muhiim ah in laga fekiro waxa uu yahay waxa u gaarka ah ama aysan jirin wax la mid ah canugaaga. Tani waxay kaa caawineysaa in aad fahamto canugaaga oo sidaa darteed si saameyn leh ayaan aadaabteeda la tacaali kartaa. Canugaaga miyuu karaa in kuwa kale la ciyaaro? Sidee buu canugaaga uga jawaab-celiyaa marxalahadaha cusub? Miyuu si sahlan u dareen-kacaa ama way ka feejigan tahay xaaladdaha cusub? Miyuu si sahlan war wareeraa? Miyay jeceshahay in la jirto/joogto dad badan? Miyuu jecel yahay in kaligii ciyaaro? Fahmista dabeecadaha qaar in ay yihiin kuwa caadi ah micnaheedu ma ahan in aadan u baahneyn in la la macaamilo. canugaaga waxaa laga yabaa in habkaasi dhaqmayo.
4
Canugaaga si ula-kac ah uma dhaqmayo si adiga uu kaaga careysiin la haa.
5
Eegitaanka sawirka weyn waxay badanaaba ku siinaysaa tilmaamo ah sida loo edbiyo. Waa maxay waxyaabaha kale ka jira nolosha cunugaaga? Miyuu jiraa walaal cusub oo qoyska ku soo saa’idey? Ma jiraan dad guriga ku cusub? Miyaa shaqaalaha xannaaneynta caruurta duwan yahay? Miyuu canugaaga guriga uga baahan yahay waqti aamusan ama adiga kaliya in waqti kula qaato? Miyuu canugaaga cunaa cunto isku-dheeli-tiran?
Nafaqada saameyn ayay ku leedahay dabeecad oo…dariiqa ugu wanaagsan ee loo hubiyo garasho iyo dabeecad waa in si joogto ah loo siiyaa cunto nafaqeysan.
—Jaraa’idka Nafaqada ee Ingiriiska
6
U fiirso dabeecadaha wanaagsan. Mararka qaarkood caruurta waxay sameynayaan wax kasta si ay dareenkeena usoo jiitaan, xitaa edeb-daro ayay sameynayaan si aan markaa kaalin aan ayaga uga qaadano. Mararka qaarkoodna intaa kaliya ayaan aragnaa oo aan jawaab ka celinaa. Asaga ama ayadu u sheeg in aad ku faraxdo goorta aad aragto ama aad ka maqasho wax wanaagsan. Ka fekir waqtiyadii aad si wanaagsan waalid ahaan ula macaamilootey. Waa maxay waxa aad sameysey? Miyaad si degan ula hadashey? Miyaad isticmaashey kalmado uu canugaaga fahmi karo? Miyaad fiirineysey canugaaga goorta aad la hadleysey? Miyaad ka hortagtey dhirif adiga oo tagaya ka hor inta canugaaga aad u daalin? Miyuu canugaaga haley hurdo habeen oo ku filan? Miyaad mall-ka (halka laga dukaameysto) ka hor inta aad labadiinaba gaarin xadkiina sawarka?
gaarin Ciyaalka aan iskuulkainta waxay ubaahan yihiino 12 u dhaxeysa 10 ilaa iy ah. saacadood oo hurdo
7
Dadka qaarkood waxaa u sahlan in ay isticmaalaan dariiqa rabsho la’aan goorta ay edbinayaan ayaga oo isticmaalaya 3 R ee edbinta. Sedexa R waa Texgelin (Respect), Jawaabcelin (Respect) iyo Mas’uuliyadnimo (Responsibility).
Tixgelinta waxay qeexeysaa habka aan midkeenaba midka kale iyo nafsi-ahaanteenaba isla macaamiloono. Dabeecada texgelinta waxaa ka mid ah daryeel muujista iyo dabeecada texgelinta la siiyo dadka kale. Kalmada texgelin waa midda badanaaba la’isla afgaran la’yahay. Waxay la micno tahay in waalidiinta iyo caruurtaba ay kiiba kii kale si wanaagsan ula dhaqmaan. Midkiiba mid kale wuu unaxariistaa oo wuu ka fekiraa. Hannaanka edbinta ee ay texgelinta ku jirto waxay caruurtu bartaa sida hab-dhaqan haboon iyo sababta xeerar qaarkood loo sameeyey. Garaacista caruurta aslanba way dhaawacdaa oo waxaa laga yaabaa in ay dabeecadooda bedelaan si ay si ay xanuunka uga fogaadaan. Am waxaa laga yaabaa in ay noqdaan kuwa dhuu-dhuunta si aan loo qaban ayaga oo wax qalad ah sameynaya. Texgelinta waxaa ka mid ah texgelinta da’da canugaaga. Waxaan ka filan karnaa dabeecado kale duwan ciyaalka sabiga ah iyo kuwa aan iskuulka gaarin iyo caruurta dugsiga hoose dhigta iyo kuwa dhalinta yar. Edbinta texgelinta leh waxay caruurta ka caawisaa ma aha kaliya waxa la sameynaayo balse sidoo kale sababta.
8
9
Jawaab-celinta waa sida aan uwada xiriirno. Waxaan ubaahan nahay in aan caruurteena la hadalno oo waxaan u baahan nahay in aan dhegeysanno. Waa muhiim in aan caruurteena hadal ay fahmi karaan ugu sheegno xeerka iyo waxyaabaha reerka fisho. Qoysaska qaarkood waxay jecel yihiin in ay liis ku qoraan xeerarka qoyska oo ay talaajada halka qof kastaba uu ka arki karo ku dhejiyaan. Caruurta waxay leeyihiin dareen muddo gaaban, sidaa awgeed goorta aad la hadleysid isticmaal jumlado gaagaaban, kalmado sahlan iyo fariimahaaga ha noqdeen kuwa gaaban.
Inta aadan guriga ka bixin, waxaad u baahan tahay in caruurta yar aad xusuusido waxyaabaha aad ka filaneyso. Dhageysiga xitaa waa qeybta hadalka ka sii muhiimsan ee xiriirka. Goorta canugaaga uu kula hadlaayo, dareen sii sii. Ha dhameysto asaga oo aan la dhexgelin oo goorta uu dhameysto daqiiqad qaado si aad u hubiso in aad fahamtey what uu isku dayayo in uu yiraahdo. Jawaab-celintu ma ahann kaliya hadalka iyo dhegeysiga. Waa muhiin in aan wada xiriirno anaga oo canugeena waqti la qaadaneyno.
10
Mas’uuliyadnimadu micnaheedu waxay tahay in ficilladaada lagula xisaabtamo. Caruurta waxay u baahan yihiin in ay bartaan in ay aqlaaqdooda iyo go’aanadooda mas’uul ka noqdaan. Goorta aan barno sababta aysan okeey u ahayn in la jebiyo xeerarka waxaan baraynaa in ay mas’uuliyad qaadaan. Dhamaan waxyaabaha barbaarinta wanaagsan ku barayaa xirfadaha edbinta ku caawinta oo caruurta barta in ay mas’uul ka noqdaan aqlaaqdooda. Edbinta caruurta waxay ubaahan tahay fekir yar iyo qorsheyn balse mar alla markaad ogaato waxay aad sameyneyso adiga iyo canugaagaba way idin sahlanaaneysaa. Waalidiintu waxaa saaran mas’uuliyad in ay bartaan sida loo koriyo caruurtooda iyo in ay ogaadaan ay taasi tahay mid si wanaagsan loo ogolaan karo in aan caawimaad aad weydiisato.
11
Waxaa yaala macluumaad aad u badan oo ku saabsan barbaarinta oo waxaa waxyaabo badan oo loo barto faa’iidodan (haa, waa howl faa’iido leh!). Adiga ma ahan in aad tani kaligaa sameyso. La hadal qof aad aamineyso. Iska hubi in aad ula xiriirto dad taageero aad ka heleysid oo aqoon u leh. Hay’adaada adeega qoyska ee magaaladaada weydiiso DVD, buugaag, fasallo iyo kooxyo taageerro.
12
13
www.cwlc.ca
This document is © 2009 by admin - all rights reserved.
Attachment
Size
PPES_pamphlet_Som.pdf
6.83 MB
PPES_pamphlet_Som.pdf
6.83 MB
Keywords
promoting parent education & support
Aboriginal
Abuse
Mental health
Parenting
Prevention
Professional
promoting parent education & support
Research
Rights
Violence
more tags